Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug: Wasiir xilka looga qaaday xiisad ka dhalatay dhisme gole deegaan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16223027196054480.jpg?resize=719%

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirkii arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Xilka qaadista Cabdi Waayeel ayaa loo cuskaday shaqo gudasho la’aan, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xilka qaadista wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

FB_IMG_16223014183960170.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Galmudug: Wasiir xilka looga qaaday xiisad ka dhalatay dhisme gole deegaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this