Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Hindiya.jpg?resize=1000%2C663&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Hindiya Virander Kumar Paul ayaa muujiyey dadaallada miro-dhalka ah ee dowladdu ay gelisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalka caalamka ee dan-wadaagta la ah Soomaaliya

Danjire Kumar ayaa soo gaarsiiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab.

Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha dowladda Hindiya horumarka muuqda ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta dimuqraadiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Hindiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this