Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulankii dhex maray Rooble, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa kulan ku yeeshay Teendhada Afisiyooni Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Wakiilada Beesha Caalamka.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominayey kulanka, waxayna wararka sheegayaan in looga hadlay sidii loo fulin lahaa heshiiskii ay Khamiistii Muqdisho ku kala saxiideyn Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa amniga doorashooyinka, isla markaasna amniga loogu wareejin lahaa ciidamo Boolis ka socdo Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa Beesha Caalamka uga warbixiyey heshiiskii ay wada saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe, waxayna Rooble iyo Madaxda Maamu Goboleedyada si wadajir ah uga codsadeyn beesha Caalamka inay fududeyso lacagaha doorashada oo xoogeeda iyaga laga sugayo.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ku baxeyso lacag aad u badan, waxaana 10 Malyan oo kamid ah laga sugayaa Qaramada Midoobay, UK, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

The post Maxaa looga hadlay kulankii dhex maray Rooble, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this