Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaanka Sharma Boy Oo Lagu Xidhay Puntland Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Ciidamada booliska maamul gobolleedka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay fanaan Sharmaarke Cabdinaasir oo la garan ogyahay Sharma Boy, kadib markii uu shalay barqadii shil ku galay dulleedka magaaladaas.

Shilka ayaa dhacay kadib markii uu rogmaday gaadhi uu waday Sharma Boy, kaasi oo sababay dhimashada hal qof oo dumar ah iyo dhaawac.

Sharma Boy ayaa loo haysta in uu mas’uul ka yahay shilkaas gaadhi, maadama uu wade ka ahaa gaadhigaas oo ay saarneeyn koox fanaaniin ah.

Gaadhiga oo ahaa nuuca raaxada ah ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir  Shaalle.

Gaashaanle sarre Maxamed Jaamac Aadan oo ah Taliyaha ciidanka booliska gobolka Nugaal ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey asagoo xaqiijiyey xadhiga fanaanka, kuna gaabsaday inay dhawaan jawaab deg-deg ah kasoo saari doonaan baadhista kiiskaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this