Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Milatariga Soomaaliya oo war ka soo saaray hawgal lagu dilay xubno Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay hawlgal ciidan oo ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ciidamadu ay jab ku gaarsiiyeen Al-shabaab hawlgal ka dhacay tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeellada dhexe

Gen. Odowaa ayaa tilmaamay in hawgalkaas lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka kuwa kalena lagu dhaawacay sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidamadu ay burburiyeen xarumo Ciidan oo Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeelada dhexe.

PUNTLAND POST

The post Taliska Milatariga Soomaaliya oo war ka soo saaray hawgal lagu dilay xubno Shabaab ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this