Sign in to follow this  
Deeq A.

Wejiga labaad ee Talaalka COVID-19 oo laga daah-furay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta degaanada Puntland ka bilawday wajiga labaad ee talaalka Covid19.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa Garowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu wasiirku dadweynaha reer Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay uqaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qataan wajiga labaad oo ah kan ugu dabeeya.

Dadweyne fara badan ayaan talaalka maanta ka qaatay xarumaha talaalka lagu bixinayo waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan marka ay kan qaadataan inay difaaca jirkodoa ee xanuunka Covid 19 uu amaan yahay.

Talaalkan ayaa loogu talagalay inay qataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco.

Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka daahfuray talaalka wajiga labaad gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay uqaatay ay wajiga labaad qataan.

Talaalka ayaa mudo 5 maalmood ah socon doona iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad.

PUNTLAND POST

The post Wejiga labaad ee Talaalka COVID-19 oo laga daah-furay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this