Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar oo xabsiga dhigtay nin doonayay in uu wiilkiisa gato

Recommended Posts

Deeq A.   
1-31.jpg?resize=720%2C470&ssl=1

Warbaahinta waddanka Masar, ayaa sheegtay in laamaha Amniga dalkaas ay xabsiga dhigeen nin bartiisa Facebook ku daabacay in uu iibsanayo wiilkiisa.

Waaxda la-dagaallanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Masar, ayaa bixisay amarka lagu xiray eedaysanaha oo Facebook ku qoray in uu doonayo cid ka iibsata wiilkiisa yar.

Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in ay ku dhacday dhaqaale la’aan daran, islamarkaana xaaskiisu ay ka tagtay, kadib markii uu waayay dhaqaale uu ku masruufo.

Sidoo kale, Laanta danbi-baarista dowladda Masar ayaa eedaysanahan ku wadda baaritaan ku saabsan ka-ganacsiga dadka.

Halkaan ka akhriso warbixinta

PUNTLAND POST

The post Dowladda Masar oo xabsiga dhigtay nin doonayay in uu wiilkiisa gato appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this