Deeq A. Posted May 28, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) –Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada aada dhinaca garoonka Aadan Cadde. Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa ka dhacay meel aad ugu dhaw Hotelka Afrik, welina ma cadda cidda lagu bartilmaameedsaday. Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay qaraxaas, sidoo kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya bartilmaameedka qaraxaas. Faah-faahin dhameystiran goordhaw kala soco Caasimada Online Insha Allaah. The post DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites