Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya qarax dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhabo, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah.

Qaraxa oo la dhigay goobta Suuqa ayaa waxa uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale, sida ay laamaha amaanka inoo xaqiijiyeen.

Khasaaraha dhimashada ayaa saacadaha soo socda kordhi karta, sida ay sheegen mas’uuliyiinta degmada Baydhabo, maadama lasoo warinayo in dhaawacyada ku jiraan qaar aad u culus.

Qaraxa ayaa kusoo aaday xili ay saxmad badan ka jirtay suuqa lagu iibiyo qaadka, illaa haddana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas.

The post Qarax xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this