Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo burburisay xaruntii Daacish ee Gobolka Bari iyo ajaanib ku dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saraakiil ajnabi ah, oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka Bari.

War ka soo baxay Ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay waddanka Pakistan, islamarkaana kamid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish.

Hawlgalka oo laga fuliyay togga Il-cameyra ee buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, waxa sidoo kale lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, sida lagu caddeeyay warka PSF.

Sidoo kale, waxa hawlgalkaas lagu burburiyay xaruntii dhexe ee kooxda Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo burburisay xaruntii Daacish ee Gobolka Bari iyo ajaanib ku dhintay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this