Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay Heshiiska arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay Heshiiska ay gaareen madaxda Soomaalida ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaan ku boorinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay si dhakhso leh horay ugu socdaan ballamada iyo wadashaqeynta ku aadan hirgalinta heshiiskaasi” ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan

“Waxaan sidoo kale ku dhiirigalinaynaa dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha xubnaha ka ah federaalka in ay sii wadaan wadatashiyada joogtada ah inta lagu jiro howlaha doorashada si loo hubiyo in khilaaf kasta oo soo ifbaxa la xallin karo” ayuu sii raaciyay Mr swan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay saxiixday heshiis ku saabsan hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay Heshiiska arrimaha doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this