Sign in to follow this  
Deeq A.

Sweden Oo Ka Hadashay Heshiiska Ay Gaareen Dowladda Dhexe Iyo Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iiaul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid dalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee shalay laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay dowladdaa Sweden taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

PUNTLAND POST

The post Sweden Oo Ka Hadashay Heshiiska Ay Gaareen Dowladda Dhexe Iyo Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this