Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo la kulmay wasiir ka tirsan Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16221375733791423.jpg?resize=720%

Ra’iiaul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan madaxda dowlad -goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble ee maanta laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay dowladdaa Sweden taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo maanta ka qeyb-galay xafladii lagu shaacinayay heshiiska doorashada ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeeen madaxda Soomaaliya.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiska doorashada.

PUNTLAND POST

The post Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo la kulmay wasiir ka tirsan Sweden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this