Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Magdhow u xukuntay Haweenay  Soomaaliyada oo Ninkeedii Dayacaad ugu dhintay Dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad Magdhow u xukuntay Haweenay  Soomaaliyada oo Ninkeedii Dayacaad ugu dhintay Dalka Sweden

Sweden

IKRAAN CALI

Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa waaxda caafimaadka gobolka ee xarunteedu tahay magaaladaasi ku amartay inay magdhow siiyaan Kaltuun Cabdi oo ah hooyo Soomaaliyeed oo sida la sheegay “seygeeda lagula kacay takoor, isla markaana uu u geeriyooday dayacaad caafimaad.”

Arrintan oo dhacday sannadkii 2017-kii, waxaa la sheegay in seyga Kaltuun oo u dhashay dalka Suudaan, ay jug madaxa ka gaartay ka dibna loogu wacay ambalaastii geysay cisbitaalka.

Shaqaalihii caafimaadka ee goobta soo gaaray ayaa la sheegay in ay u qaateen in ninkaasi uu is yeelyeelayo oo uusan wax dhib ah qabin, maaddaama marka ay eegeen uusan ka muuqan dhaawac, mana uusan ka soconin dhiig.

Warbixintii uu ka qoray oo ahayd in ninkaasi oo aanan magaciisa helin uu suuxay, isaga oo adeegsaday erayga “suuxdin dhaqan” ayaa la sheegay in ay sababtay in aan uusan helin daryeel gaar ah.

Ikraan Cali oo ah weriye ku nool dalka Sweden lana socotay kiiskan oo arrintan uga warrantay BBC ayaa sheegtay in xaaladda ninka oo ka sii dartay aawadeed, ay dhaqaatiirta ku sameeyeen qalliin, taas oo sababtay in muddo labo sano ah uu noqdo dhul yaal aan dhaqaaqi karin.

Ninkan ayaa geeriyooday sanndkii 2019-kii.

 

Ikraan ayaa sheegtay in Kaltuun ay u dacwootay hay’adaha ka hortagga cunsuriyadda, ka dibna hay’addaas waxay dacwad ku furtay waaxda caafimaadka gobolka.

Hay’adda ayaa dacwadeeda ku saleysay in ninka oo madow iyo Muslim ahaa lagula kacay takoor.

Bishii March ee sannadkan ayay maxkamadaynta ay bilaabatay, wuxuuna go’aanka magdhowga soo baxay shalay.

Kaltuun ayaa la siiyay 110,000 lacagta Sweden ah, una dhiganta $13,000 oo doollarka Mareykanka ah.

“Go’aanka maxkamadda waxay ku saleysay in ninkaas lagula kacay dayacaad iyo takoor,” ayay tiri Ikraan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this