Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Rooble iyo madax goboleedyada oo saxiixay heshiiska doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd saxiixay heshiiskii doorashada ee mudada badan uu ka taagna khilaafku.

Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa qalinka ku duugay heshiiska doorashada, ayada oo maanta lasoo xirayo shirkii golaha wada-tashiga qaran ee doorashooyinka oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

Sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa si wada-jir ah u saxiixay heshiiska doorashada, kaasi oo xal looga gaarayo is-mari-waagi mudada badan ka taagna qabsoomida doorashada.

Madaxada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku fahmay qoddobo adag oo ku gudboona doorashada, taasi oo fudeydisay in heshiis ay wada gaaraan maanta dhamaan dhinacyadu.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota munaasibada lagu soo xirayo shirka doorashada oo lagu casuumay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo asagu aan kaalin ku laheyn shirka looga arrinsanayay doorashada.

Sidoo kale munaasabadda waxaa qeyb ka ah guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Goordhow naga fillo faah-faahin dhameystiran oo ku aadan heshiiska la saxiixay.

The post DEG DEG: Rooble iyo madax goboleedyada oo saxiixay heshiiska doorashada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this