Deeq A. Posted May 27, 2021 Madaxweynaha waddanka Masar,Cabdifataax Al-siisii iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan dalka jabuuti, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada dalkaasi. Afhayeenka ayaa tilmaamay in madaxweynaha Masar Al-siisii uu kala hadli doono dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle sida loo xoojin karo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona horumarka gobalka iyo xaaladda guud ee qaaradda Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Masar oo ku wajahan dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites