Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Masar Oo Maanta Booqanaya Dalka Jabuuti Iyo U Jeedka Safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Cabdifataax El-Sisi waxa uu Maanta booqasho ku tegay Jabuuti, oo uu kula kulmi doono dhigiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar ayaa sheegay inay booqahashadaasi tahay noocii u horreeyey ee Qabsoomida Shirka Iskaashiga ee Labada dal.


Kulankaasi oo ay Labada Madaxweyne shir- guddoomin doonaan waxaa looga xaajoon doonaa hanaanka lagu xoojinayso xidhiidhka labada dal, Amniga, Milliteriga, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Wadajirka ee Danaha Labada Waddan.

Madaxweyne Geelle iyo El-Sisi waxay kaloo ka arrinsan doonaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xaalladda Mandiqada, Muranka Biyo-xidheenka Ethiopia ee GERD iyo Arrimaha cakiran ee Somalia iyo Falastiin iyo Muranka Xuduudka ee Sudan iyo Ethiopia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this