Sign in to follow this  
Deeq A.

Abwaan iyo majaajileyste caan ka ahaa Soomaaliya oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Burco (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule, oo sidoo kale ahaa majaajiliiste, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Burco ee Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelkiisa.

Sooraan ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuusan magaalada Burco, waxaana si weyn usoo ritay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19 oo markale kusoo labo kacleeyay dalka, gaar ahaan deegaanada Somaliland.

Abwaanka ayaa waxa si gaar ah loogu baxnaaniyey isbitaalka gaarka ah ee lagu dabiibo dadka uu soo rito cudurka Coronavirus ee magaalada Burco, ayada oo xaaladiisu ay kasii dartay ilaa uu sababsaday geeridiisa.

Cudurka Koronaha ayaa waxa uu haleelay Sooraan, kadib markii uu safar ku tagay dalka Jabuuti oo uu muddo toddobaadyo ah ku maqnaa.

Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule AUN ayaa waxa uu kamid ahaa abwaanada iyo majaajileystayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda loogu jecel yahay dhulka Somaliland oo ku nool intii u badneyd.

Geerida abwaanka ayaa waxaa ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo soo saaray qoraal kooban.

“Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco. Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo,” ayuu yiri Rooble.

The post Abwaan iyo majaajileyste caan ka ahaa Soomaaliya oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this