Deeq A. Posted May 26, 2021 Saddex ruux oo isku qoys ah ayaa xalay lagu dilay degaanka Garasle oo ka tirsan degmada Balanballe ee Gobolla Galgaduud. Dabley hubaysan ayaa la sheegay in ay dadkan ku toogteen gurigooda kadibna goobta isaga baxsadeen sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Maydadka saddexda ruux oo ah laba wiil oo walaalo ah iyo gabar ay abti u yihiin ayaa la geeyay isbitaalka degmada Balanballe. Dhacdadan ayaa lala xiriirinayaa aanooyin qabiil oo horay halkaas uga dhacay sida ay sheegeen dadka degaanka. PUNTLAND POST The post Dad isku qoys ah oo lagu laayay Galgaduud appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites