Deeq A. Posted May 26, 2021 Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii balaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Galmudug. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya. Safiirka ayaa ugu danbeyntii balan qaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug isagoo dhinaca kale sheegay in ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib u dhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay safiirka Midowga Yurub appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites