Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Doorashooyinka Oo Maalinti Shanaad Muqdisho Ka Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maalintiisi Shanaad socda shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo.

Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in  ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay dhankeeda shirka Afisyooni, iyadoo la sheegay in qodobo ay ka mid yihiin cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland la isku afgartay.

Berri ayaa lagu wadaa in magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka

Goobjoog News 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this