Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo ka hadlay xaaladda banii’aadanimo ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya James Swan oo shalay ka qeyb galay shir ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay Xaaladda bani’aadannimada ee Soomaaliya.

James Swan ayaa waxaa uu sheegay inay weli aad u liidato Xaaladda Arrimaha Bani’aadannimada ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana dadka danta yar ay u baahan yihiin Gargaar.

Mr Swan ayaa tilmaamay in 19 boqolkiiba Qorshaha ka Jawaabidda Xaaladda Bani’aadannimada ee sanadka 2021 loo helay lacag, iyadoona in ka badan saddex-meelood meel dadku ay u baahanyihiin Gargaar

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya ayaa dowladdaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ka codsaday in ay bixiyaan tabarucaad dheeri ah oo lagu caawinayo dadka u baahan Gargaarka.

PUNTLAND POST

The post James Swan oo ka hadlay xaaladda banii’aadanimo ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this