Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaynu ka naqaanaa Weriyaha dartii Cunaqabateynta loo saaray duulimaadyada dalkiisa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaynu ka naqaanaa Weriyaha dartii Cunaqabateynta loo saaray duulimaadyada dalkiisa?

Diyaaradda la dejiyay ee Ryanair
Diyaaradda la dejiyay ee Ryanair

Dhowr shirkado duulimaad oo Yurub laga leeyahay ayaa shaaciyay in aysan dulmari doonin Belarus, maalmo kadib markii weriye si weyn u dhaliila xukuumadda lagala degay diyaarad loo weeciyay caasimadda Minsk.

Air France ayaa ah shirkadii ugu dambeysay ee xayiraad ku soo rogtay Belarus. Dalalka deriska la ah sida Ukraine iyo Poland ayaa joojinaya dhammaan duulimaadyada aada ama uga yimaada Belarus.

Waddamada reer galbeedka ayaa ku eedeynaya Belarus afduubka diyaarada Ryanair oo uu la socday weriye Roman Protasevich maalintii Axadda.

Mas’uuliyiinta Belarus ayaa Isniintii baahiyay muuqaalka weriye Protasevich oo u muuqda in lagu afduubay si khasab ah.

Weriye Roman Protasevich ayaa madaxa gacmaha saartay marki uu ogaaday in diyaaradda ay ku socoto dalka uu kasoo jeedo oo uu baxsad ka ahaa sababo la xiriira ammaankiisa.

Waxa uu wajahayaa eedeymo la xiriira warbixinnadiisa doorashadii lagu muransanaa ee bishii August dhacday iyo qaabkii ay dowladda u xakameysay mudaharaadyadii ballaarnaa ee mucaaradka, wuxuuna sheegay in uu ka baqayo in ciqaab dil ah la marsiiyo kadib markii lagu daray liiska argagixisada.

 

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si adag u cambaareeyay falka ay dowladda Belarus Axaddii sida khasabka ah diyaarad rakaab ah oo ka baxday dalka Giriigga kuna socota waddanka Lithuania uga dejisay magaalada Minsk ee dalkaas.

Diyaarad milateri oo ay leedahay Belarus ayaa ku khasabtay diyaaradda uu saarnaa weriyaha in ay ka degto caasimadda Minsk si halkaa loogu xiro Protasevich .

Midowga Yurub ayaa ficilkaas ku tilmaamay afduub lagula kacay diyaarad rakaab ah. Dowladda Lithuania ayaa iyaduna sheegtay in ay furtay kiis argagixiso oo ka dhan ah dowladda Belarus.

Waa kuma Roman Protasevich, maxaa se ku dhacay?

Weriye Protasevich ayaa mar tifaftire ka ahaa Nexta, oo ah warbaahin xogteeda ku shaacisa barta Telegram. Wuxuu ka tagey Belarus sanadka 2019 si uu ugu noolaado Lithuania. Halkaas ayuu uga soo warramayay dhacdooyinkii doorashadii madaxtinimada ee 2020, kadib markii lagu soo eedeeyay argagixisanimo iyo hurin rabshado.

Nexta ayaa la sheegay inay taageero u ahayd mucaaradka intii lagu jiray doorashada.

Roman Protasevich

Protasevich wuxuu hadda u shaqeeyaa warbaahin kale oo Telegram ah, oo lagu magacaabo Belamo.

Muuqaalka fiidiyowga ee la baahiyay kadib markii la qabtay, wuxuu ku sheegay inuu caafimaad qabo oo uu rabo inuu qirto dambiyo lagu soo oogay.

Balse dadka u dhaqdhaqaaqaya oo uu kamid yahay hoggaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka ee dalkaas, ayaa dhaleeceeyay fiidiyowga waxayna soo jeediyeen in Protasevich cadaadis lagu saaray inuu qirto dambiyo uusan gelin.

Aabaha dhalay Protasevich ayaa BBC-da u sheegay inuu ka cabsi qabo in wiilkiisa la jirdilo.

Dmitri Protasevich wuxuu Isniintii sheegay inuu “runtii ka baqayo” sida wiilkiisa ay ula dhaqmi doonaan maamulka dalkiisa.

Maxaa ka dhacay hawada?

Shirkii Brussels, hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub waxay u sheegeen shirkadaha diyaaradaha in aysan dulmarin Belarus.

Waxay sidoo kale ka codsadeen dowladaha xubnaha ka ah inay joojiyaan ruqsadaha ay ku shaqeyso shirkadda duullimaadka ee dalkaas ee Belavia.

Diyaaradda la dejiyay ee Ryanair
Diyaaradda la dejiyay ee Ryanair

Shirkadda Air France ayaa sheegtay inay “hakisay duulimaadyada hawada sare ee Belarus illaa amar dambe”. Shirkadda diyaaradaha ee Finnair ayaa sidoo kale ku dhawaaqday go’aan kaa lamid ah.

Shirkada KLM oo ay weheliyaan shirkadaha duulimaadka ee dalka Jarmalka ee Lufthansa, Scandinavia iyo kuwa kale, ayaa shaaciyay inay sidoo kale duulimaadyada ka joojinayaan Belarus.

Shirkadda diyaaradaha ee Singapore Airlines ayaa sidoo kale sheegtay inay dib u habeynayso duulimaadyada si looga fogaado Belarus.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ukraine Dmytro Kuleba, wuxuu sheegay in diyaaradaha xamuulka ee laga leeyahay Ukraine laga mamnuucay inay u duulaan ama galaan Belarus.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this