Sign in to follow this  
Deeq A.

KULMIYE Oo Togdheer Tageero Ka Waayey Iyo Wasiiraddii Madaxweynuhu U Diray Oo Ku Dhex-jahwareeray Iyo Faysal Oo Ka Hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa tageeradii miisaanka lahayd ee uu ku lahaa Gobolka Togdheer ay u muuqataa inay meesha ka sii baxayso,waxaanna muddooyinkii ugu dambeeyey soo ifbaxayey in taageerayaashii Xisbiga ay u guureen dhanka labada Xisbi ee Mucaaridka ah.

Iyadoo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda KULMIYE ay fagaarayasha ka muujiyeen tawaawac muujinayey in Xisbigu uu fara madhnaan ka taagan yahay Gobolka Togdheer.

Xilligan oo lagu jiro wakhti doorasho, ayaa waxa aan la dafiri karrin in Xisbiga KULMIYE uu Musharraxiinta uu soo xulay Gobolka Togdheer ay yihiin qaar aan guul-baddan u keeni karrin Xisbiga, marka loo eego labadda Xisbi ee kale.

Madaxweyne Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa ka hor inta aannu bilaabmin ololaha doorashooyinka u diray Gobolka Togdheer Wasiiro miisan leh oo deegaankaa ka soo jeeda,kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir Siciid Sulub Maxamed, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal iyo Guddoomiye Cabdikariin Xinif iyo masuuliyiin kale.

Hase-yeeshe waxa xusid muddan inay reer Togdheer ay dhabarka u jeediyeen xisbul-xaakimkii tacabka iyo juhdiga galiyeen, kuwaas oo naadinaya taageerada KULMIYE .

Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga ayaa sheegay in aanay cidi u garaan-bayn haddii la yidhaahdo Faysal Cali Waraabe ayaa kaga baddiyey Gobolka Togdheer Xisbiga KULMIYE “Maanta waxa tartamaya Siilaanyo ,Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Ismaciil Cali Abokor Iyo Faysal Cali Waraabe,Malaa ciddi noo garaabi mayso, Faysal ayaa kaga baddiyey ragaas .”Ayuu yidhi

Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo kumanaan Taageerayaashiisa ah kula hadlayey fagaaraha Khayriyadda Burco ayaa sheegay in reer Togdheer ay KULMIYE ka yaceen,isagoo sheegay in xildhibaano xul ah oo uu KULMIYE diiday uu ka soo sharraxay UCID Togdheer ” Waxa aanu idiin soo xulnay dad wanaagsan dadkaa yimi baddankoodu waxay markii hore u tageen ,Xisbigii aad isla ogaydeen laga yaac-laga yaac, Burco ma ka yaac-day,waa laga cararay buugaa waan soo xidhaynaa Waxaanu intaas ku sii daray Guddoomiye Faysal “UCID weeye doorkani qabyaaladii waad arragteen saw mahaa,Jeegaantii waad arragteen saw maaha .”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this