Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqortooyada Ingiriiska Oo U Direysa Soomaaliya 250 Askari Oo Kamid Ah Ciidamadeeda Gaarka Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Britain ayaa u direysa Soomaaliya 250 askari si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al Shabaab.

Tallaabadan oo la qaadayo 12-ka bilood ee soo socda gudaheeda, waxay noqontaa hawlgalkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ciidanka cusub ee Ranger UK uga howlgalayaan Soomaaliya, sida uu sheegayo wargeyska Ingiriiska ee Express.

Waxay ku soo beegmaysaa bilo uun ka dib markii la aasaasay Guutada Howlgalka Gaarka ah uu ku dhawaaqay taliyihii hore ee ciidamada Cirka Britain, General Sir Mark Carleton-Smith, oo hadda madax ka ah Ciidanka Ingiriiska.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in ciidammadan la dejin doono Soomaaliya, halkaas oo ay ku tababari doonaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya si ay uga hortagaan Al-Shabab.

Dowladda Britain ayaa hadda tababarta ciidamada Soomaaliya ee ka howlgalla degaanada koonfur Galbeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this