Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali Ah Oo Xaaskiisa Ku Dishay Dalka Koofur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Johannesburg)-Ganacsade Soomaali ah oo ka mid ah dadka ku ganacsada dalka Koofur Afrika ayaa lagu dilay xaafada Mayfair ee magaalada Johannesburg.

Ninkan oo la odhan jirey Cabdikariin Gigis, ayaa la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeysay xaaskiisa oo u dhalatay wadanka Koonfur Afrika iyadoo ku dishay bastoolad uu lahaa.

Ciidammada Booliska Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ay gacanta ku dhigeen haweeneyda dishay Ninkeeda kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xidhiidha arrimo qoys.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika joogto ka noqday dilalka loo geeysanayo Soomaalida, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay dalkaas lagu dilay ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo dilalkaas ay geystaan budhcad u dhashay dalka Koonfur Afrikan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this