Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Onliine) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maanta kulan xasaasi ah ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka oo ay wada-hadalladooda ka socdaan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo qabsoomayo gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa si gaar ah loogu falan-qeyn doonaan doorashooyinka, amniga, wada-hadallada socda iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dalalka xubnaha ka ah golaha.

Sidoo kale golaha ayaa warbixin ka dhageysan doono ergeyga gaarka ah ee ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo adaxa AMISOM, Francisco Madeira oo faah faahin ka bixin doono xaaladaha soo kordhay iyo sidoo kale wada-hadallada haatan ka socda magalada Muqdisho.

Qaramada Midoonay ayaa dusha kala socota xaaladda adag ee Somalia, waxaana golaha ammaanku marar badan kulamo deg deg ah ka yeeshay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku jiro, iyagoo ku baaqay in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Kulanka ay maanta yeelanayaan golaha ammaanka ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana aysan weli go’aamo rasmi ah kasoo bixin shirka wada-tashiga doorashooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo galay maalintiisii afaraad.

Soomaaliya ayaa waxaa ku daba-dheeraaday ka gudubka xaaladda kala guurka ah, waxaana arrintu kasii dartay markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda federaalka ah, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka doorashooyinka 2021.

The post Golaha ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this