Deeq A. Posted May 25, 2021 Shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka, oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa maalintii afraad ka socda xarunta Afisyooni ee Muqdisho. Waxa shir-guddoominaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ku saabsan dhammaystirka iyo turxaan-bixinta heshiiski 17-September ee arrimaha doorashooyinka, kaas oo tabashooyin ka soo noqdeen qaar kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Qodobka ugu adag ee shirkan horyaalla, waxa lagu sheegay arrinta la xiriirta kuraasta Somaliland oo ay ku heshiin waayeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi, kuwaas oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Wararku waxay sheegayaan, in ilaa iyo haatan aysan jirin isfaham laga gaaray muranka ku saabsan arrimaha doorashooyinka, waxase isu-soo dhowaansho laga muujiyay qodobada qaarkood. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites