Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Milatariga Mali oo xabsiga dhigay madaxweynihii dalkaas iyo mas’uuliyiin kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Militariga waddanka Mali ayaa xabsiga dhigay madaxweynihii, Ra’isul Wasaarihii iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi.

Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyay xero millatari oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah Bamako.

Xiritaanka madaxdan ayaa imaneysa bilooyin kaddib marki ay isla millitarigan uu xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita.

Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaarka ah ee Mali.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Milatariga Mali oo xabsiga dhigay madaxweynihii dalkaas iyo mas’uuliyiin kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this