Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Dal Afrikaana oo Xabsiga dhigay Madaxweynaha,Ra’isul Wasaaraha & wasiirka Gaashaandhiga Dalkaa+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Dal Afrikaana oo Xabsiga dhigay Madaxweynaha,Ra’isul Wasaaraha & wasiirka Gaashaandhiga Dalkaa+Sababta

 

Madaxweynaha Mali Bah Ndaw
Madaxweyne Bah Ndaw

Militariga Mali ayaa xiray Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi, waxaana tallaabadan ay sii muujineysaa qalelaasaha siyaasadeed ee ka jira dadka ku yaal Galbeedka Africa.

Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyay xero millatari oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah Bamako.

Xiritaanka madaxdan ayaa imaneysa bilooyin kaddib marki ay isla millitarigan uu xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita.

Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay kaddib, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay ilo wareedyo diblamaasiyadeed iyo kuwo ka tirsan dowladda.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaarka ah ee Mali.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this