Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo hoobiyeyaal ku garaacay tuulada Galgala

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16218835083987382.jpg?resize=720%

Al-shabaab ayaa in ka badan 20 hoobiye ku garaacay tuulada Galgala oo ku taalla buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Duqeynta oo dhacday wax yar ka hor salaadii maqrib waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan Puntland, sida uu Puntland Post u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan oo codsaday in aan magaciisa la xigan.

Tuulada Galgala waxaa ku nool dad tiro yar oo u badan beeraleey iyo ciidamada Puntland oo ku leh saldhigyo ciidan.

Puntland iyo Al-shabaab ayaa tan iyo 2010 ku dagaalamayay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Agoosto 2014 ayay ahayd markii ugu dambeysay oo ciidamada Puntland magaalada Galgala ka qabsadeen Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo hoobiyeyaal ku garaacay tuulada Galgala appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this