Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar Iyo XAMAAS Oo Ka Wada Hadlay Xabbad-Joojinta Dagaalkii Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Madaxa Siyaasadda ee Dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Dr. Ismaaciil Haniyah iyo Wafdi uu horkacayo oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay caasimada dalka Qatar ee Doha ayaa waxaa uu Maanta la kulmay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Althani.

Kulankaasi ayaa waxaa uu ka dhacay Xafiiska Amiirka ee Amiiri Diiwaan, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA.Dr. Ismaaciil Haniyah ayaa waxaa uu ka mahadceliyey dadaalka Amiir Tamiim ee Xabbad-joojintii laga gaadhay dagaalkii XAMAAS iyo Israa’iil ee Qasa.

Madaxa Xafiiska Siyaasada ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ayaa waxa uu hore mahadcelin u jeediyey Dowladaha Masar iyo Iran, isagoo xusay inay u muujiyeen Taageero Siyaasadeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this