Deeq A. Posted May 24, 2021 Jubaland oo mar kale joojisay xidhashada indha-shareerka Booliiska maamul-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay mar kale adkeeyeen xoojinta xirashada niqaabka ama indha-shareerka, sida uu baahiyay Telefishinka Jubaland. Waxay booliisku sheegeen in arrintan ay uga gol leeyihiin “adkeynta aminga”, ayuu shaaciyay telefishinka. Dhowr sano kahor ayay ahayd markii amar ka soo baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada indha-shareerka, iyadoo xilligaas uu maamulku sheegay in la qabtay rag soo xirtay indha-shareerka. Booliiska ayaa sheegay in amarkaasi uu dhaqan galay shalay oo Axad ahayd. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites