Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Somaliland oo si adag uga jawaabtay  Go’aamo & Hadallo ka soo yeedhay Dawlada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Dawlada Somaliland oo si adag uga jawaabtay  Go’aamo & Hadallo ka soo yeedhay Dawlada Somalia
 2021523637573628176762110.jpg

Guddida tacliinta sarre ee Somaliland, ayaa ku gacan saydhay, liiska jaamacado ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay aqoonsantahay oo ay ku jiraan 5 jaamacadood oo Somaliland ku yaala.

Guddida tacliinta sarre oo maanta magaalada Hargaysa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ayna Somaliland waxba ka khusaynin qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku samaysay jamacado ay ku jiraan kuwo Somaliland ku yaala.

Guddida ayaa sheegtay in anay jirin jaamacado Somaliland ku yaala oo dowlada Soomaaliya ay qiimayn ku samaysay.

“War kaa waxanu sheegayna in aanu sal iyo raad toona lahayn oo jaamacado ay yimaadena anay jirin wax ay qiimeeyena anay jirin” guddoomiyaha guddida Salbeena Dirir Cabdi ayaa sida yidhi.

“Kama duwana warkii ay odhan jireen hawada, badda iyo dhulka Somaliland anaga xukuna, Jamacadaha Somaliland koomishanka halkan jooga ayaa xukuma”.

“5 ta jaamacadood iyo anaguba markaanu eegnay, waa xog meelaha laga urursaday oo anay waxba ka jirin” yuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddida ayaa sheegtay in qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku samaysay jamacado Somaliland ku yaala anay waxba ka badali doonin jaamacadaha.

Jawaabta guddida tacliinta sarre ee Somaliland ayaa timid kadib markii ay wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya, soo bandhigtay jaamacado ay sheegtay in ay ka gudbeen qiimayn ay samaysay oo 5 jamacadood oo Somaliland ku yaala ku jiran.

Jaamacadaha Somaliland ku yaala ee ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ka gudbeen qiimayn ay samaysay, sidana ay ku aqoonsatay.

Jamacada Nugaal, Laascaanood, Jaamacada Baddar, Hargaysa, Jaamacada Gollis, Hargaysa, Jaamacada Camuud, Borama, iyo Jaamacada Ello, Borama.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this