Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo bogaadiyay barnaamijka xisbiyada badan ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee ka socda saddex degmo oo ka tirsan Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku bogaadiyay barnaamijka diiwan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, halkaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay, hirgelinta hannaanka xisbiyada badan si shacabka Puntland loo gaarsiiyo in ay codkooda wax ku doortaan, waxaana uu ku baaqay in dhammaan laga wada-shaqeeyo taabba-gelinta barnaamijkaas.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa hambalyo u jeediyay dhammaan ardayda Reer Puntland ee Sabtidii shalay u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada ku bogaadiyay habsami u-socodka Imtixaanaadka.

Halkaan ka daawo hadalka madaxweynaha oo dhan

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo bogaadiyay barnaamijka xisbiyada badan ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this