Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa miiska saaran maanta Shirka Wadatashiga Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Axad ah 22 bisha Maajo 2021 waxaa Muqdisho ka socda Shirka Wadatashiga Arimaha Dooradhada kasoo looga hadlayo Qodobada Muhiimka u ah Doorashada.

Madaxdu waxay maanta ka doodayaan Xalka u raadinayaan Qodobadii hortaagnaa Heshiisyadii Doorashada ee 17 Sebtembar iyo kii Baydhabo.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in maanta ay miiska saaran yihiin Laba qodob oo kala ah.

  • Gudiga Doorashada oo la doonayo in Gudi cusub oo laga wadatashaday lasoo magacaabo, lana kala diro Gudigii uu horay udoo xulay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi.
  • Qodobka labaad waa Arimaha Gobolka Gedo oo isla shalay la islasoo qaadey, aadna looga muujiyay in xal laga gaari karo,

Maanta waxaa kaloo laga wadahadlayaa Cida lagu casumayo Xiritaanka Shirka, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni sida uu horay u sheegay dhowr jeer, wuxuu doonayaa in Xubno matalaya Mucaaradka ay kasoo qayb galaan kulanka.

Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey ayaa kasoo qaybgalkiisu Muranka taagan yahay, inkastoo loo badinayo inuu kasoo qaybgalo dhamaadka kulanka.

Ugu dambayn Shirkaan aad ayuu uga duwan yahay Kulamadii hore ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaaminayay, maanta waxaad moodaa in ay jirto kalsooni dhextaal ka soo qaybgalayaasha.

Puntlandi.com Muqdisho

65755A48-AD95-494A-9C08-DE5F105DCF73-800

The post Maxaa miiska saaran maanta Shirka Wadatashiga Doorashada appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this