Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho oo maalintii labaad galay

Recommended Posts

Deeq A.   
Afisyooni.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka dalka, oo Sabtidii shalay ka furmay xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa maalintii labaad halkaas ka socda.

Kulanka oo uu shir-guddoominayo ra’iisul wasaare Rooble, waxa ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku saabsan dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September, si loo xalliyo tabashooyin ka soo noqday hirgelinta heshiiskaas, islamarkaana doorashooyinka loo qabto.

Shirkan waxa ka maqan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii uu hoggaaminta arrimaha doorashooyinka ku wareejiyay ra’iisul wasaaraha.

PUNTLAND POST

The post Shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho oo maalintii labaad galay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this