Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsadihii Soomaaliga Ahaa Lagu Waayey NAIROBI Oo Meydkiisa La Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo toddobaad ka hor la waayey ayaa haatan meydkiisa laga helay dulleedka magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Ehellada marxuumka waxay shaaciyeen in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna  sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jidh dil ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in meydka haatan la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka.

Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jiro ee ma  la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii dulleedka Nairobi laga helay gaadhi la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay.

Sidoo kale Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalkan Kenya.

Dhacdadan ayaa wal-wal xooggan iyo cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this