Sign in to follow this  
Deeq A.

Fangaska Madow, Black Fungus,

Recommended Posts

Deeq A.   
 
Fangaska Madow, Black Fungus, الفطر الأسود
 
Cudur Cusub Oo Ka Dilaacay Dalka Hindiya, Oo Loogu Yeero Fangaska Madow, Waxaa Asal Ahaan Uu Ka Yimaadaa Carrada, Bacriminta iyo Walxaha Dabiiciga ah Ee Qurma, Iyo Bii,adda Ay Liidato Nadaafadeed,
 
Wuxuu Aad U Asiibay Cudurkaa Dadka Ka Bogsooday Cudurka Karoona Feyruska Labada Wiig Ee Hore Iyo Dadka Difaaca Jirkoodu Daciifka Ah Iyo Dadka Qaba Cudurka Macaanka Ah,
 
Wuxuu Baabi,iyaa Kelyaha Iyo Wuxuu Si Deg Deg U Gaari Karaa Maskaxda, Cudurkaa Fangaska Madow Waa Cudur Dilaa Ah, Kolka Laga Shakiyo Qofka Uu Ku Dhacay Waxaa Laga Eegaa Afka Iyo Indhaha Midabkoodu Bedelmo  Qofka Laga Helo Si Aan Maskaxda U Gaarin Feyruska Waa Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Qofka Buka Si Loo Badbaadiyo Waa In Laga Saara Labada Indhood Iyo Labada Daamood Ee Afka Sidaa Haddii Uu Ku Badbaado Qofkii Wuxuu Ku Noolaan Tashawuh ama Qaab Dhalanrogan,
 
 Feyruska Fangaska Madow Wiigii Hore Waxaa U Dhintay Jilaa Weyn Oo Misri Ahaa Kolkii Uu Ku Dhacay Cudurka Feyruska Karoona Isla Markaana Laga Helay Calaamadihii Feyruska Fangaska Madow Iyadoo La Arkay In Indhihii Midabkoodii Is bedelay Waana Markii Ay Hawl Gab Noqdeen Kelyaha Fannaankaa Sida Uu Sheegay Walaalkii Inkastoo Ay Wasaaradda Caafimaadka Dalkaa Ay Arrinkaa Ka Gaabsatay!
 
Feyruska Fangaska Madow Wuxuu Fara Kulul Ku Hayaa Waddanka Hindiya
 
Waxaana Laga Cabsi Qabaa In Fangaska Madow Uu Ku Fido Caalamka Oo Idil
 

Ali Sheikh AdanInline image

 

Inline image

 

Inline image

 

 

Sent from Yahoo Mail for iPhone

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this