Deeq A. Posted May 23, 2021 Waxaa maalintiisi labaad furmaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo shalay magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo . Ajendayaasha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah: 1: Xal ka gaaridda guddiyada doorashooyinka 2: Xal u helidda Arrinta gobalka Gedo 3: Meel saaridda cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland 4: Xalinta shaqaaqadii dhacday 19 February iyo shaqaaqooyinkii ka dambeeyay 5: Ra’iisul wasaaraha in uu qaato kaalinta maamulka doorashada 6: Amniga Doorashada 7: Dejinta Jadwalka doorashada 7: Waqtiga Doorashooyinka ay bilaabmayaan. Shirka ayaana sii socon doono inta ay madaxda isku raacayaan xalinta Khilaafaadka weli doorashooyinka ku hor gudban . GoobJoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites