Deeq A. Posted May 23, 2021 Nairobi (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo todoodyo ka hor la waayey ayaa haatan meydkiisa laga helay duleedka magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Ehellada marxuumka waxay shaaciyeen in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jir dil ah. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in meydka haatan la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka. Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jiro ee Ma la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii duleedka Nairobi laga helay gaari la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay. Sidoo kale Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalkan Kenya. Dhacdadan ayaa wal-wal xoogan iyo cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. The post Ganacsadihii lagu waayey Nairobi oo meydkiisa la helay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites