Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo cambaaraysay mid kamid ah weeraradii Israa’iil ee Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii duqeynta cirka ee Israa’iil ay ku bartilmaameedsatay 17-ka bishan May xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza.

Qoraal maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ee ciidamada Israaiil ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan”.

Dowladda Soomaaliya waxay weerarkaas ku tilmaantay tallaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha.

“Falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha” ayaa lagu sii yiri qoraal dowladda Soomaaliya.

Shalay ayuu dhaqan-galay heshiis xabbad joojin ah oo ay wada gaareen Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ee ku sugan marinta Qaza, kadib dagaal socday 11 maalmood.

Israa’iil ayaa 1,500 duqeymoood la beegsatay marinka Qaza, halka Xamaas ay 4,000 oo gantaal ku tuureen dhinaca Israa’iil.

FB_IMG_1621713752311.jpg?resize=720%2C79

PUNTLAND POST

The post DFS oo cambaaraysay mid kamid ah weeraradii Israa’iil ee Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this