Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiishii ka hortagay 2-dii sano ee mudo kordhinta oo Xaflad loo qabtay iyo iyagoo baaq u diray Shirka maanta furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Deyniile waxaa maanta lagu qabtay Xaflad loogu mahadcelinayo Laguna dhiiri galinayo Saraakiishii hogaaminaysay Howlgalkii ay Ciidamada qaarkood ugasoo horjeesteen in muda kordhintii labada Gole ee Federaalka oo Madaxweyne Farmaajo uu hogaaminayay.

Saraakiisha Xaflada loo qabtay oo uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Dayniile Maxamed Abuukar Cali oo loo yaqaan Jacfar ayaa loogu mahadceliyey qaabkii ay uga hortageen Mudo kordhinta.

Xaflada oo maanta dhacdey waxaa kasoo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Wakhtigiisu dhamaadey iyo Odoyaal uu hogaaminayo Odey Xaad oo ah Gudoomiyaha Odoyaasha Mogadishu Clan.

Dhanka kalama Saraakiisha Xaflada loo qabtay ayaa baaq u diray Shirka ka maanta oo sabti ah ka bilowday Muqdisho waxayna sheegeen inay indhaha ku hayaan Shirka ayna u rajaynayaan in ay kasoo baxaan Qodobo wadada u xaara Doorasho deg deg ah.

bishaan bilowgeedii waxaa Muqdisho soo galay Ciidamo ka caraysnaa Mudadii ay Baarlamaanku u kordhiyeen Madaxweynaha iyo Xildhibaanada, Ciidankaasoo la wareegay inta badan Muqdisho kaabigana u fariistay Madaxtooyada, iyagoo ku hanjabay inay galayaan Villa Soomaaliya, Ciidanka ayaa dib ugu laabtay Fariisamadoodii kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ka laabtay Mudo kordhintii iyo ka qaybgalka Shirarka Doorashada.

Sawirada hoos ka daawo

Puntlandi.com Muqdisho

9895B16B-9A1B-4512-8429-BD65279C0203-783 209D8A67-C9AE-4F62-9C8E-3764A5172404-800 31BA2F33-B00B-4932-911A-715708EF6A3A-800 01173654-BC18-489E-ABC8-9346F13F20E2-753 542F7F44-AD1E-4890-8F6B-2E3B7CD77082-800

The post Saraakiishii ka hortagay 2-dii sano ee mudo kordhinta oo Xaflad loo qabtay iyo iyagoo baaq u diray Shirka maanta furmay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this