Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Sacuudiga oo xabsiga u taxaabay nin weeraray Imaamka Masjidul- Xaramka+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Sacuudiga oo xabsiga u taxaabay nin weeraray Imaamka Masjidul- Xaramka+Sawirro

 haram.jpg

Booliska u xilsaaran amniga Masjidka barakeysan ee Xaramka ayaa gacanta ku dhigay Nin weerar ku qaaday mid ka mid ah Iimaamyada Masjidkaas oo shalay akhrinayey Khudbada Jimcaha.

Eedeysanaha ayaa la qabtay, ka hor inta uusan gaarin Minbarka uu Iimaamku ka jeedinayey Khudbadda Jimcaha sida ay faafisay Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

Iimaamka la damacsanaa in la weeraro ayaa lagu magacaabaa Sheekh Bandar Baleelah, waxaana la sheegay inuusan hakinin khudbadiisa intii lagu howlanaa qabashada ninka weeraray.

Lama oga illaa hadda sababta ninkan ku kaliftay inuu weeraro Imaamka masjidka Xaramka, Booliska sacuudigana illaa hadda wax faahfaahin ah kama bixinin dhacdadan.

Nin ku hubaysnaa Maqar oo la tuhunsan yahay inuu weerar geysan lahaa ayaa bishii la soo dhaafay lagu qabtay isla xaramka gudihiisa.

maxresdefault.jpgMakkah-Attack.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this