Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Looga Digay Ololaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa si adag ugu digay shaqaalaha dawladda, islamarkaana u sheegay in ay faraha ka laabtaan ololaha beri ka bilaamaya Somaliland ee doorashada Wakiillada iyo Deegaannada.

Waxa uu masuuliyiinta xukumadda ku booriyay in ay si dhaw ula socdaan shaqaalaha dawladda ee ku milma arrimaha siyaasadda iyo ololaha.

“Waxaan uga digayna shaqaalaha dawlada darajo kasto ay leeyihiin inay ku milmaan , kana dhex ololeeyaan , calamaanta xisbiyada qaataan xisbi kasta ha ahaadee , doorashada ololeedu bilaabmayo 23 bisha oo ah maalinta beri ah , Wasiirada , gudoomiye yaasha gobolada , isuduwayaasha hay’adda shaqaalaha dawlada waxaan usheegayaa inay il gaara ku hayaan inta ololuhu socdo in shaqaale dawladeed ka qeyb galaan ololahaasi”. ayuu yidhi Farxaan Aadan Haybe

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this