Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin Ajandaha Shirka Doorasahada oo la isla meel dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii Maanta uga furmay Muqdisho Raysal wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa la isla gartay Ajandayaasha Shirka iyadoo si hordhac ahna looga wadahadlay Qodobada Muhiimka ah.

Ajandaha Shirka oo beri laguda gali doono waxaa kamid ah.

  • Amniga Doorasahda
  • Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada cida maamulaysa
  • Gobolka Gedo, Qodobkaan si hordhac ah ayaa loosoo hadal qaadey maanta waxayna u muuqataa in Jubbaland ku guulaysan doonto rabitaankoodii ahaa in dib loogusoo celiyo Kismaayo, dhamaan ka qayb galayaashu waxay dabacsanaan u muujiyeen Madaxweyne Axmed Madoobe.
  • Gudiga Doorashada oo horay Buuq uga taagnaa, buuqaasoo ahaa in Mucaaradku ay ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu Gudiga Doorashada ka dhigay Shaqaalihiisa Gaarka ah iyo Saraakiil Ciidan, Raysal wasaaruhu wuxuu muujiyay maanta inuu u muuqdo Nin Gudi cusub magacaabayo.
  • Waxyaabaha debecsanaanta laga muujiyay maanta maadaama La doonayo Doorasho degdega waxaa kamida Odoyaadha Soo xulaya Xildhibaanada. Deegaanada Doorashada oo Heshiiskii 17 Sebtembar ahaa laba Magaalo, waxaa laga yabaa oo maanta lasoo jeediyay hal Deegaan doorasho,

Qodobadaan kore oo dhan waa uun Ajandaha Shirka ee ma jiraan Qodobo si rasmi ah la isula meel dhigay.

Puntlandi.com Muqdisho

7D7F11BF-AFCE-46C3-9279-99BD2D92E061-750

The post Faahfaahin Ajandaha Shirka Doorasahada oo la isla meel dhigay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this