Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Myanmar oo sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan Aung San Suu Kyi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha militariga afganbiyay dowladda Myanmar General Min Aung Hlaing ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in dhowaan ay maxkamad soo taagi doonaan hogaamiyihi hore ee dalkaas Aung San Suu Kyi.

Wareysigii ugu horreeyay ee uu bixiyo Hlaing tan iyo markii uu inqilaabay xakuumaddii Aung San Suu Kyi 1-dii bishii February ayuu ku sheegay in Suu Kyi iyada oo caafimaad qabta ay ku sugantahay gurigeeda, maalmo kooban gudahoodna ay ku wajahi doonto maxkamad.

Wareysiga Hlaing ayaa Sabtida laga sii daayay Telefishanka Phoenix oo ah TV laga leeyahay Shiinaha.

Afganbigi ka dhacay Myanmar ayaa sababay dhimashada boqolaal qof oo rayid ah oo ka qeybgalay mudaaharaadyo looga soo horjeeday awoodda millatariga.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Myanmar oo sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan Aung San Suu Kyi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this