Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Muqdisho: Maalinkii kowaad oo la soo gabagaboobay

Recommended Posts

Deeq A.   
Afisyooni.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Waxaa goordhaweyd soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee ka furmay xarunta Afisyoone, magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa maanta ku soo idlaalay jawi is faham, iyadoo la isugu soo laaban doono berri oo Axad ah, sida uu sheegay afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Macalimow.

Shirka waxa guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay dhammaan madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka waxa ka maqnaa madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu horey u sheegay in uu hoggaaminta arrimaha doorashooyinka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

PUNTLAND POST

The post Shirka Muqdisho: Maalinkii kowaad oo la soo gabagaboobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this