Sign in to follow this  
Deeq A.

Maanta waxaa Puntland ka bilowdey Imtixaanka Skuulada ee Shahaadada lagu qaato

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta waxaa Puntland isku wakhti loo fariistay Imtixaanka Ardeyda ka qalin jabinayaan Dugsiga Sare ee Galaaska 4aad iyo kuwa Digsiga Dhexe ka soo gudbaya Galaaska 8aad kuwasoo Xili dugsiyeedka 2022 bilaabaya Dugsiga Sare.

Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Masuul ka ah Waxbarashada Puntland ayaa kormeerayaal ukala dirtay dhaan Goobaha Imtixaanadu ay ka dhacayaan.

Sanadkii hore Ardeyda Puntland aad ayay u dadaaleen aad ayayna u yarayd Ardeyda ku dhacdey Imtixaanka, Wasaarada Waxbarashaduna waxay sheegtay sanadkii hore in Waxbarashada Puntland ay ku socoto qaabkii laga sugayay Ardeyda tasoo ah tayo ku salaysan Waxbarashada loogu talagalay Ardeyda, Sanadkaan Wasaaradu waxay rajaynaysaa in Ardeyda dhacaysaa ay ka hooseen doonto nambarkii kal hore, Maadaama Sare loo qaadey tayada Baarayaasha iyo Kormeeroda.

Mdaxweynaha Puntland Daciid Cabdullaahi Deni oo iminka Muqdisho u jooga shaqo Qaran wuxuu Ardeyda u rajaynayaa guul.

Puntlandi.com Bosaso

555658B1-0E8B-4019-9DB8-69BDF637BFD5.jpe

The post Maanta waxaa Puntland ka bilowdey Imtixaanka Skuulada ee Shahaadada lagu qaato appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this