Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka doorashooyinka oo furmay iyo MW Farmaajo oo ka maqan + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Arrimaha shirkan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah dhammeystirka heshiiskii 17 September iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka.

Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Waa mid isha lagu wada-hayo waxa kasoo baxi doono shirkani oo xal loogu raadinayo doorashooyinka dalka oo ay isku khilaafeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ka hor furitaanka shirka waxay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay yeesheen kulamo horudhac ah oo ay uga wada-hadlayeen xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Si kastaba wuxuu shirkan ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay is mar-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

190504463_2986829491548165_6346142170401 188833101_2986829471548167_4396661963760 188850724_2986829648214816_7138735351406 190295699_2986829564881491_8313088185355

The post Shirka doorashooyinka oo furmay iyo MW Farmaajo oo ka maqan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this